Carruur ku dhimatay Qaza

Image caption Carruur badan ayaa ku dhimatay dagaalka Qaza qaarna waa dhaawac.

Wasaarada caafimaadka ee Qaza ayaa sheegay in toban qof ku dhinteen gantaal lagu soo tuuray meel carruur ay ku ciyaarto.

Gantaal kale ayaa ku dhacay isbitaalka ugu wayn Qaza ee Shifa. Xamaas ayaa ku eedeysay weerarka Israel. Laakiin afhayeenka ciidanka Israel ayaa sheegay in labada gantaal laga soo riday Qaza.

Warbaahinta Israel ayaa sheegayasa in saddex qof ay ku dhinteen markii hoobiye lagu soo riday Eshkol oo ku xigta Qaza.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki Moon ayaa mar kale ku baaqay xabad joojin.