Kiristaanka Ciraaq oo qatar ku jira

Image caption Kiristaanka Ciraaq ayaa noloshooda ay qatar ku jirtaa.

Dowladda Faransiiska ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay siiso magangalyo siyaasadeed Kiristaanka Ciraaq jooga ee noloshooda ay qatar ku jirto.

Wasiirada arrimaha dibadda iyo gudaha ee Faransiiska ayaa sheegay in Faransiiska uu siinayo gargaar dadka ku barakacay Ciraaq, uuna diyaar u yahay inay magangalyo siiyaan.

Kumanaan Kiristiyaan ayaa ka soo baxay waqooyiga Ciraaq magaalada Mosul, kadib markii Kooxda ISIS oo qabsaday magaalada ay u sheegeen inay Muslim noqdaan, canshuur dhiibaan ama ay dil doortaan.

Dhinaca kale diyaarada Emirates, ayaa sheegtay inay joojinayso inay dulmarto hawada Ciraaq qatar ka iman karta gantaal darteed.