UN oo ku baaqday xabad joojin deg deg ah

Lahaanshaha sawirka
Image caption Weerarka Isra'iil ay ka wado Qaza

Gollaha ammaanka ee Qaramada Midoobe ayaa kulmay kuna baaqay in Qaza laga dhaqan geliyo xabad joojin deg deg ah oo aanan lagu xirin wax shuruud ah.

Gollahu ammaanka waxa uu taageeray warbixin ugu baaqaysay Israa'iil iyo Xamaas in ay sameeyaan dadaalo si loo gaaro xabad joojin waarta oo suurtagelisa in gargaarka la gaarsiiyo dadka ku dhibaataysan marinka Qaza.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa isna jeedeiyey baaq kaa la mid ah iyadoo Xamaas iyo Israa'il axadii ay sii wadeen weerarada inkastoo ay jirtay xabad joojin soco lahayd 24 saac.

Raisal wasaaraha Israa'il Benjamin Natinyahu oo la hadlayey Teleishenka maraykanka ee NBC ayaa sheegay in Xamaas aanan la aamini kerin si kasta oo xabad Joojin loola galo.

In ka badan kun falastiniyiin ah oo u badan dad ryid ah ayaa ku dhintay duqeynta Israa'il, halka in ka badan 40 qof oo u badan askarta Israail ay iyaguna ku dhinteen gantaalada ay ridayaan Xamaas.