Sarkaal sare oo lagu dilay Afganistan

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Ciidamada ajaaniibta ee Afganistan kusugan ayaa markastaa la kulmo weeraro

Askeri Mareykanka u dhashay oo ahaa sarreeye gaas ayaa lagu dilay weerar uu ku qaaday askari Afganistan u dhashay ah, xero Militari oo ku taalla caasimada dalkaasi ee Kabul.

Waa masuulkii ugu sareeyey oo ajanabi ah oo lagu dilo dalkaasi tan iyo markii uu Mareykanka galay afganistaan sanadkii 2001.

Tira badan oo ciidamo ajanabi ah ayaa sidoo kale lagu dhaawacay dhacdadan, waxaan ka mid ah generaal dalka Germalka u dhashay iyo taliye afkhanistaan u dhashay oo xerada u weynaa oo lagu magacaabo Gulam Sakhi.

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan hal askari oo british ah sidoo kale uu dhaawacay, iyadoo Askarigii rasaasta furayna la toogtay.