Liberia oo la geliyey xaalad deg deg ah

Image caption Shaqaalaha caafimaadka

Madaxweynaha dalka Liberia, Ellen Johnson Sirleaf, ayaa xaalad deg deg ah ku dhawaaqday iyadoo Liberia ay la halgamayso sidii ay ku joojin lahayd cudurka Ebola.

Hadal ay ka jeedisay Telefishenka qaran ayaa waxa ay ku sheegtay in laga yaabo in la laalo qaar ka mid ah xuquuqda shacabka .

Cudurkan ayaa waxa uu sidoo kale ka jiraa waddamada Guinea, Sierra Leone iyo Nigeria, waxaana u dhintay in ka badan sagaal boqol oo qof.

Dhinaca kale iyadoo uu jiro walaac caalami ah oo ku saabsan cudurkan, ayaa Madaxaweynaha Maraykanka Barack Obama waxa uu sheegay in aanan la gaarin waqtigii la ansixin lahaa daawooyinka tijaabada ah ee lagula tacaalayo cudurka.