UN oo ka hadashay dagaalka cusub ee Qaza

Lahaanshaha sawirka a
Image caption Dadka ku dhintay Qaza waxa ay ka badan yihiin 1,900 oo qof

Xoghayaha guud ee Qaramada midoobey Ban Ki-moon ayaa cambaareeyay dib u bilaabashada gantaallada lagu weeraray Israa’iil oo laga tuuray Qaza, wuxuuna niyad jab ka muujiyay in la kordhin waayo xabadjoojinta seddaxda maalin ku dhammaatay.

Dhinacyada oo dhan waxa uu ku baraarujiyay inaysan doorbidin tallaabo military oo dheeraad ah.

Israa’iil ayaa dib u cusbooneysiisay weerarada Qaza, taas oo ay jawaab uga dhigeyso gantaallada lagu weeraray oo ay Xamaas ku eedeysay.

Balse Siyaasi sare oo Falastiini ah oo lagu magacaabo Mustafa Barquusi ayaa BBC-da u sheegay in gantaallada lagu riday Israa’iil inay tureen koox yar oo Qaza ka jirto.

Xamaas ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay ii socdaan wadahadalada ay dhexdhexaadka ka tahay Masar.

Labada dhinac waxaa jiro ka soo gaaray iskudhaca cusub, laakiin weriyaha BBC-da ee Qaza ayaa sheegaya inaysan u xoogbadneyn sidii isbuucyadii hore.