Erdogan oo guul sheegtay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ra'iisalwasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo xaaskiisa.

Ra'iisalwasaare Racep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay in uu ku guulaystay doorashada, waxa uuna helay in ka badan boqolkiiba 52 codadkii la tiriyey. Maanta oo isniin ah ayaa la filayaa in guddigadoorashada uu si rasmi ah u shaaciyo natiijada. uu guul ku dhow yahay.

Mr Erdogan oo la hadlay taageerayaasha xisbigiisa ayaa waxa uu ballanqaaday in uu ka shaqeyn doono mustaqbal cusub oo uu yeesho Turkiga.

Waxa uu noqonayaa madaxweynihii ugu horeeyey oo si toos ah ay shacabka u soo doortaan. 11 sano ayuu Ra'iisal wasaare ka ahaa dalkaasi Turkiga.