Haweenka Nigeria oo dibad baxaya

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption kooxda boko xaram

Xerooyinka ciidamada ee ugu waa weyn magaalada Maiduguri, ayaa haween badan oo ah xaasaska askarta Nigeriya ay isugu soo baxeen si ay u cadeeyaan in aysan dooneynin in ragooda ay la dagaalamaan kooxda Boko Xaram.

Dibad baxan aan caadiga aheyn, ayaa imaanaya iyadoo ciidamada ay sheegayaan in ay qorsheeynayaan in dib ay ula wareegaan magaala muhiim ah oo ay kooxdaasi la wareegeen isbuucii la soo dhaafay.

Waxaa jira warar sheegaya in calanka kooxdaasi Boko Xaram uu ka dulbabanayo magaalada Gwoza, ee u dhow xuduuda Cameroon.

Wakiilka aqalka duqeeyda ee deegaankaasi ayaa u sheegay BBC-da in kumanaan kun oo meyd ah ay ku quransan yihiin wadooyinka.

Dadkii halkaa daganaana ay ku dhuumaaleysanayaan buuraha u dhow dhow goobtaasi.