Wiil feerihiisa dhego looga sameeyay

Kieran Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Kieran Sorkin ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay muuqaalkiisa cusub

Wiil ku dhashay dhego la’aan ayaa waxaa dhego looga abuuray feerihiisa.

Sagaal jirkan lagu magacabo Kieran Sorkin ayaa qalliin loogu sameeyay Isbitaal ku yaalla magaalada London oo lagu magcaabo Great Ormond Street.

Ilaa iyo 100 carruur ah ayaa muddo sanad ah gudaha UK ku dhashay iyagoo hal dheg la’ ama labadaba aan laheyn.

Kieran ayaa ku dhashay dhego la’aan iyadoo wax yar ay ka soo jeedeen meesha uu dhegaha ku lahaan lahaa.

Dhegahiisa way shaqeynayaan oo wax uu ka maqli karaa, oo qaliin horay loogu sameeyay ayuu maqal ku helay.

Image caption Carjawda feeraha Kieran Sorkin ayaa looga sameeyay dhago

Kieran ayaa sheegay in uu doonayo in dadka ay ka joojiyaan su’aalaha ay waydiinayaan, oo uu weliba jeclaan lahaa inuu noqdo sida saaxiibadii oo kale.

Wiilka ayaa waxaa laga soo saaray carjawda lix feer, oo inta la soo gooyay laga sameeyay dhage.