MSF: Ebola lix bil ayaa looga hortagayaa

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dhaqaatiirta la dagaaleysa Ebola

Hay’adda dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa sheegtay in lix bil ay qaadan doonto in xanuunka Ebola la xakameeyo.

Mar uu weriyayaasha kula hadlaayay magaalada Geneva, madaxada MSF ayaa qeexay in ka hortagidda Ebola ay lamid tahay dagaal hub la isu adeegsanayo. Wuxuuna ku baaqay in maamul wanaag ay la imaadaan shaqaalaha WHO.

Hadalkan ayaa imaanaya saacado kaddib markii WHO ay sheegtay in qiyaasta tirada Ebola inay xad dhaaf noqotay.

MSF ayaa ka digeysa halista bilaabashadii Ebola, iyadoo farta ku fiiqday walwalka tirada la arkay iyo sida uu ugu fiday dhul ballaaran.

Dhowaanahan, hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa si caadi ah uga hadlaysay fididda kiisaska, waxayna sheegtay in Ebola aan la xakameyn karin.

Hadda, in kabadan 1000 qof ayaa u dhintay, MSF ayaa sheegtay in hay’adda ugu wayn dhanka caafimaadka adduunka ee WHO inay waxbadan sameyso si looga hortago Ebola.

Iyadoo dalal badan ay ka qeybgalayaan ka hortagidda Ebola, hadana waxa uu saameyn weyn u geystay ganacsiga iyo hormarada dalalka uu kajiro cudurka.