Xamas: Jawaasiis ayaan dilnay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dagaalyahanno Falastiiniyiin ah oo uu wejiga u xiran yahay

Ilo wareedyo laga helayo ururka Xamas ayaa sheegaya in dagaalyahannada ururkaasi ay dileen 18 qof oo looga shakiyay in ay u jaajuusayeen Israa’iil.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Khamiistii ay Israa’iil duqeyn ku dishay saddex ka mid ahaa taliyayaasha Xamas.

Saraakiil ka tirsan Xamas ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in 11 qof oo looga shakiyay basaasnimo lagu dilay saldhig ay booliska isticmaali jireen, halka 7 kalana lagu toogtay bannaanka masjidka Al-Umari ee bartamaha Qaza.

Xamas ayaa ka digtay in ciqaab noocaasi ah ay marin doonto dadka lagu helaa in ay u jaajuusayaan Israa’iil.

Colaada u dhexaysa Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ayaa Qaza dib uga bilaabatay Talaadadii, kaddib markii lagu kala dareeray wadahadalkii nabada ee Qaahira.

In ka badan 2,070 Falastiiniyiin ah iyo 66 Israa’iili ah ayaa ku dhintay colaada socota lixda todobaad.