Qof British oo uu ku dhacay Ebola

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Waa qaar ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee la tacaalaya Cudurka Ebola

Qof u dhashay Britain oo ku nool dalka Sierra Leone ayaa laga helay Caabuqa Ebola.

Waaxda caafimaadka ee Dalkaasi ayaa xaqiijiyey arrintaasi.

Tan iyo bishii Maarso in ka badan 1,400 oo qof ayaa ugu dhintay cudurkaasi Dalalka Galbeedka Afrika.

Waxa go'aan laga gaari doonaa in bukaankan loo duuliyo Britain iyo in kale.

Afar waddan oo ku yaala Galbeedka Afrika ayuu ka jiraa haatan cudurka Ebola, in ka yar kala bar dadka uu cudurkan ku dhacay ayaa ka badbaaday.