Mozambique iyo Renamo oo heshiiyay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dagaal yahaniinta Renamo

Dowladda Mozambique ayaa waxa ay heshiis xabbad joojin ah la saxiixatay xisbiga mucaaradka ee Renamo.

Tani ayaa ah tallaabo la isugu dayayo in lagu soo afjaro colaada ka hor doorashooyinka bisha Oktoobar.

Heshiiskan ayaa yimid kaddib bilooyin ay jireen isku dhacyo heer hoose ah oo u dhaxeeyay xubno hubeysan oo ka tirsan xisbiga Renamo iyo ciidammada dowladda.

Oktoobartii tagtay Renamo ayaa ka baxday heshiis nabadeed oo jiray 20 sano.

Isbuucii la soo dhaafay, dowladda ayaa bilowday sii deynta maxaabiista Renamo oo lagu qabtay dagaalladii ugu dambeeyay, taas oo qeyb ka ah heshiiska.

Xabad joojinta oo ay saxiixeen madaxa wadaxaajoodka ee Renamo, Saimon Macuiane iyo dowladda ayaa sanad ku dhowaad socday, kaas oo Axaddii lagu gaaray caasimadda dalka Mozambique ee Maputo.

Xabad joojinta oo xalay la gaaray, ayaa dabad socotay heshiis guud oo labada dhinac ay isla gaareen isbuuc ka hor, waxaana heshiiska ka mid ah in xubnaha u dagaallama Renamo lagu daro ciidamada amniga ee dalka Mozambique.

Weriyayaasha ayaa sheegaya in mucaaradka Renamo ay wadeen dagaal kacdoon ah oo ka dhan ah dowladda tani iyo markii hogaamiyaha xisbigaasi Afonso Dhlakama uu dib ugu noqday duurka 2012-kii, asigoo 20 sano heshiis xabad joojin ah kula jiray xisbiga talada haya ee Frelimo.

Baarlamaanka dalka Mozambique ayaa la filaayaa inay billaabaan hannaan lagu meermarinayo is afgaradka nabadda, laga billaabo isbuuca soo socda.

Doorashada dalkaasi ayaa la filaayaa in la qabto 15 ka bisha October ee sanadkan.