Sacuudiga: Shirka qatarta Islaamiyiinta

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption ISIS ayaa qabsatay meelo badan Ciraaq iyo Suuriya.

Sacuudiga ayaa shir maanta ugu qabanaya wasiirada arrimaha dibadda ee Masar, Urdun, Qadar iyo Isutaga Imaaraadka Carabta si ay uga hadlaan kooxaha islaaamiyiinta ee ku fidaya Suuriya iyo Ciraaq.

Wasiirada ayaa ka mid ah kooxda saaxiibada Suuriya ee ka soo horjeeda dowladda Suuriya.

Dhinaca kale Dowladda Britain ayaa magacawday ergay ugu qaabilsan ammaanka gobolka Kurdistaan ee Ciraaq, waxayna siin doontaa qalab milatari ciidamada Kurdiska maalmaha soo socda.