Dowladda Faransiiska oo la kala diray

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande iyo Ra'iisalwasaaraha Faransiiska Manuel Valls.

Madaxweynaha Faransiiska, Fancois Hollande, ayaa kala diray dowladda kaddib markii dhaleeceyn kaga timid dadka labo wasiir siyaasadiisa dhaqaalaha.

Wuxuu weydiistay Ra'iisul wasaarahiisa, Manuel Valls, inuu dhiso maamul cusub Talaadada.

Tani ayaa ka dambeysay baaq ka yimid Wasiirka dhaqaalaha ee dalkaasi Arnuad Montebourgm iyo Wasiirka waxbarashada oo ah in la badalo qorshaha lagu socdo lana yareeyo qarashka dowladda si loo jaro canshuuraha ganacsiga.

Dhammaadkii todobaadka ayuu Montebourg sheegay in siyaasadda lagu yaraynayo qarashka dowladda ay wax soo saarka joojineyso, cadaynta guuldarada dhaqaalahana ay ka muuqato Faransiiska iyo Europe oo dhan.