Gaza oo xabbad joojin cusub laga gaaray

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Xaflado ka dhacay Qaza oo lagu soo dhaweynayo xabbad joojinta

Dawladda Masar ayaa rasmi ahaan ugu dhawaaqday in heshiis ay ka shaqeysay laga gaaray colaadda Gaza ee Israel iyo Falastiiniyiinta.

Waxaa heshiiskan cusub uu dhigayaa in xabbad joojintu hirgasho laga bilaabao 2100 GMT.

Mar sii horeysay ayaa sarkaal sare oo waan waanta uga qayb qaadanaya Falastiiniyiinta wuxuu BBC u sheegay in heshiisku yahay mid waqti dheer ah oo xabadda lagu joojinayo.

Golaha wasiiradda Israel ayaa lagu wargaliyey heshiiska Israel iyo Xamas, waxaana wararku sheegayaan in Israel ay aqbashay heshiiska ay Masar ka soo shaqeysay.

Dad ka badan laba kun oo qof oo u badan shicib Falastiiniyiinta ah ayaa ku dhintay dagaalka iyo duqeynta Israel ee Gaza iyo degaanada marinka Gaza.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan