Hiiraale oo aqbalay wadahadalka Kismaayo

Kismaayo Lahaanshaha sawirka other
Image caption Dowladda Soomaaliya ayaa qabanqaabinayso shir dib u heshiisiineed

Wasiirkii hore ee gaashaandhiga, Bare Aadan Shire Hiiraale ayaa oggolaaday in uu ka qeybqaato shirka dib u heshiisiinta ee lagu qaban doono Kismaayo.

Arrintan ayaa ka dambeysay kulan uu Barre la yeeshay wafdi isugu jiray wasiiro matalayey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wakiilo ka socday urur goboleedka IGAD.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Halkan ka dhagayso waraysiga Barre Hiiraale

Barre Hiiraale ayaa muudo ka badan sannad ku sugnaa degaanka Gobweyn, oo dibedda ka ah Kismaayo.

Barre ayaa BBC-da u sheegay in isaga iyo hoggaamiyayaasha kale ee diiddan maammulka KMG ee Jubbooyinka loo ballan qaaday in wadahadal lagu dhamayn doono khilaafaadka.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan