WHO: 20 kun ayaa khatar ugu jirta Ebola

Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ka digtay in cudurka Ebola ee ka dilaacay galbeedka Afrika uu ku dhici karo illaa iyo 20 kun oo qof ka hor inta aan si buuxda loo xakameyn.

Illaa iyo hadda, waxaa la diwaangaliyey 3000 oo qof in uu cudurkaasi ku dhacay tan iyo amrkii uu dilaacay. WHO waxa ay sheegeysaa in laga yaabo in tirada ay intaa ka badantahay.

In kabadan 1500 oo qof ayaa illaa iyo hadda ugu dhintay cudurkaasi waddamada Liberia, Sierra Leone iyo Guinea. Ugu yaraan,5 qof ayaa ugu dhintay cudurkaasi, magaalada ugu weyn dalka Nigeria ee Lagos.

WHO waxa ay ka dalbatay shirkadaha diyaaradaha in ay dib u billaabaan duulimaadka gobalka. WHO waxa ay sheegtay in duulimaadka la hakiyey uu saameyn ku yeeshay la dagaalanka cudurka.

Wasiirada caafimaadka waddamada galbeedka Afrika ayaa maanta ku shiraya Waddanka Ghana. Waxa ay kawada hadlayaan sidii loo joojin lahaa faafida cudurkan.