Gaariga ilaalada madaxweynaha Kenya "oo la helay"

Uhuru Kenyatta Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Madaxweyne Uhuru ayaa horey u ballan qaaday inuu sugi doono ammaanka

Baabur ka mid ah kuwa ilaalada madaxweynaha Kenya oo la xaday dhowr maalmood ka hor ayaa laga helay dalka Uganda.

Gaarigan ayaa toddobaad ka la sheegay in lagu xaday magaalada Nairobi.

Mas'uuliyiin sar sare oo ka tirsan boliiska caalamiga ah ee Interpol ayaa xaqiijiay in baabuurka loo gudbiyay Kampala, ee caasimadda Uganda.

Waxay sheegeen in dhawaan loo gudbin doono dalka Kenya.

Dhowr ruux ayaa loo xiray dhacdada baabuurkan.

Dablay hubaysan ayaa la sheegay in gaarigani ay xoog kula wareegeen xilli uu darawalka marayay waddo ku taalla Nairobi.

Darawalka waday gaarigan, David Machui, oo sidoo kale la sheegay inuu ahaa askeri boliis ah, ayaa sheegay in dablayda ay weerareen mar uu u socday gurigiisa.

Afhayeen u hadlay madaxtooyada Kenya ayaa sheegay in gaarigan uusan ka mid ahayn kuwa la daba dhigo gaariga khaaska ah ee madaxweynaha.