Ciidamada Ukraine oo ka baxay bariga.

Dagaalka Ukraine Lahaanshaha sawirka

Ciidamada dowladda Ukraine ayaa ka baxaya labo magaalo oo bariga Ukraine kaddib cadaadis soo cusboonaaday oo kaga yimid falaagada Russia taageersan.

Afhayeen u hadlay Military-ga ayaa shegay in askarta lagu amray inay dib uga gurtaan magaalada muhiimka ah ee Novosvitlivska oo u dhexeysa magaalooyinka Luhansk iyo xadka Russia.

Wararka ka imaanaya askarta dowladda ayaa sheegeya inay isku dayayaan inay ka baxaan magaalada Ilovaysk oo 20-KM u jirta Donetsk kaddib markii la hareereeyay.

Koonfurta fog dalka Ukraine ayey ciidamada Ukraine xoojinayaan meelaha ay haystaan ee magaalada dekadda ee Mariupol kaddib wax uu madaxweyne Poroshenko ugu yeeray awood ku qabsasho ciidamada Russia ee maalmihii la soo dhaafay.