Dowladda Pakistan oo dib u qabsatay TV-ga qaranka

Dibedbaxyada Pakistan Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dibedbaxayaasha Pakistan waxay dalbanayaan inuu is casilo Ra'iisalwasaare Nawaz Sharif

Ciidammada dowladda ayaa dib u qabsaday xarunta TV-ga qaranka kaddib markii ay horey u qabsadeen dibedbaxayaal dowladda ka soo horjeeda.

Ciidamada amaanka Pakistan ayaa dib gacanta ugu dhigay xarunta TV dawladda oo mar sii horeysay ay dadka banaan baxaya oo dawladda ka soo horjeeda u dheceen dhismaha TV oo ku yaal caasimadda Islamabad,waxayna ku khasbeen inuu telefishinkii hawada ka baxay.

Hogaamiyaha dadka banaan baxaya oo ah hogaamiyaha mucaraadka Imran Khan iyo wadaad dalka aad looga yaqaan,Tahir Ul-qadri, ayaa labaduba waxay ku baaqeen in banaan baxyadu noqdaan kuwa nabadeed.

Iska hor imaadyadii dhacay Sabtidii waxaa ku dhintay hal qof, waxaana ku dhaawacmay boqolaal qof, markii ay wadooyinka ku dagaalameen boliiska iyo dadka banaan baxaya.

Dibexbaxayaasha ayaa dalbanaya inuu is casilo Ra'iisalwasaaraha dalkaas Nawaz Sharif.