Sacuudiga oo xiray 88 rag ah

Image caption Booliska Sacuudi Carabiya

Sacuudi Carabiya ayaa xirtay siddeetan qof, oo lagu eedeeyey in ay maleegayeen qaraxyo ka dhaca gudaha iyo bannaanka dalkaasi sida ay sheegayaan saraakiisha.

Wasiirka arrimaha gudaha, ayaa sheegay in raggaan la daba socday dhowr bilood, ka hor inta aanan la xirin oo ay qarka u saarnaayeen in ay fuliyaan hawlgallo.

Booliska, ayaa sheegay in seddex ka tirsan raggaasi ay ka soo jeedaan dalka Yemen, midna aannan weli la garaneyn halka uu ka soo jeedo inta kalana ay u dhasheen Sacuudiga.

Weriyayaasha, ayaa sheegaya in Sacuudi Carabiya ay adkeysay ammaankeeda, iyadoo kooxda dowladda Islaamiga ay weeraro ka geysanayaan dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Afhayeenka wasiirka arrimaha gudaha Mansour al-Turki, ayaanan faahafaahin ka bixin qorshaha raggaas ay damacsanaayeen, laakiin waxa uu sheegay in ay jiraan 59 qof oo horay xabsi daa'in ay ugu xukumeen kuwaas oo sameyn rabay falal kan la mid ah.

Horaantii sanadkan, ayaa dalka Sacuudiga waxa uu sharci darro ka dhigay in muwaadiniintooda ay ku biiraan kooxaha ka dagaalama dalalka kale, iyadoo ay isa soo tareyso walaaca laga qabo dadka ku biiraya kooxaha jihaad-doonka ah inay ugu danbeyntii cabsi galiyaan daganaanshaha boqortooyada.