Weriyaha madaxa laga jaray "waa xaqiiqo"

Kooxda dowladda Islaamiga Lahaanshaha sawirka AFP

Maraykanka ayaa sheegay inay xaqiijiyeen inuu sax yahay muuqaalka video-ga ah ee muujinaya weriyaha labaad ee Maraykanka ee madaxa laga gooyay.

Ururka Khilaafada Islaamiga ayaa soo bandhigay muuqaal muujinayay weriye Steven Sotloff oo ay madaxa ka goynayeen.

Ururka ayaa horay uga digtay in ay dili doonaan wariye labaad oo Mareykan ah, haddii Mareykanku joojin waayo duqeynta uu ku hayo kooxdaasi ka dagaallanta dalka Ciraaq.

Saraakiisha Mareykanka ayaa waxay isu diyaarinayeen warkaasi aan wanaagsanayn, afhayeenka aqalka cad Jen Psaki, ayaa caro ka muujisay dilka wariyaha labaad ee Mareykanka ah.

Muuqaalkan ayaa u muuqada in uu ka turjumayo sida ay u guuldaraysteen dadaalada xooggan ee uu Mareykanku ku doonayay in uu ku soo furto la haystayaasha Mareykanka ah ee gacanta ugu jira kooxaha xagjirka ah.

Waxayna u muuqataa in wadammada uu Mareykanka tageerada waydiisatay in aanu jirin waddan saameyn ku leh kooxdani.

Waxay tani sidoo kale sare u qaadeysaa cadaadiska la saarayo Madaxweyne Obama, ee ah in uu ballaariyo howlgaladda Mareykanka oo uu kooxdan uga daba tago saldhigeeda dalka Suuriya, arrintaas oo ah mid uu ka caga jiidayay.

Afahyeenka aqalka cad Jen Psaki, ayaa sheegtay in qoor-goyntii wariyihii hore ee Mareykanka ahaa ee James Foley, ay ka dhalatay isku day uu Obama ku doonayey in uu ku abuuro xulafo caalami ah si looga hortago kooxdan.

Waxaana laga yaabaa in dadaaladaas ay sii socdaan oo ay sii xoogeystaan