Soomaaliya: Shirka golaha wasiirada

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Cabdulaahi Maxamed Cali ayaa xilka hayay tan iyo July.

Agaasimihii Hayadda nabadsugida iyo sirdoonka Soomaaliya Cabdulaahi Maxamed Cali ayaa xilka laga qaaday iyadoo uu hayay xilka laba bilood. Waxaa lagu badalay si ku meel gaar ah ku xigeenkii agaasimaha.

Xil ka qaadista ayaa timid kadib markii golaha wasiirada ay maanta yeesheen shir deg deg ah oo looga hadlayo ammaanka guud ee waddanka. Shirka ayaa waxaa gudoominayay Ra'iisalwasaare Cabdiwali sh Axmed.

Waddanka ayaa ku jira feejignaan dhinaca ammaanka, kadib markii Maraykanka uu diyaarad ku dilay Isniintii, hogaamiyihii Alshabaab Axmed Cabdi Godane meel u dhow magaalada Baraawe.

Ciidamada Amisom iyo kuwa Soomaaliya, ayaa ku jira hawlgal milatari oo Alshabaab looga saarayo magaalooyinka ugu danbeeya ee ay ka haystaan waddanka.

Howlagalkan oo loogu magacdaray Badwaynta Hindiya ayaa socota in kabadan toddobaad. Ciidamada ayaa doonaya inay Alshabaab ka saaraan xaruntooda ugu wayn ee Baraawe oo u ah dekad.