Xabbad joojinta Ukraine oo gilgilmeysa

Lahaanshaha sawirka reuters
Image caption Xabbad joojinta Bariga Ukraine ayaan cago badan ku taagneyn

Dowladda Ukraine iyo mucaaradka ka dagaallamaya bariga dalkaasi ayaa midba kan kale ku eedeeyay in aanu hirgalinin xabbad joojinta ay ku heshiiyeen Jimcihii.

Afhayeen u hadlay gudiga ammaanka iyo difaaca qaranka ee Ukraine, Andriy Lysenko, ayaa sheegay in Sabtidii shalay ahayd ay xoogagga mucaaradka ah 10 jeer duqeeyeen fariisimo ay ciidammada Ukraine leeyihiin kaddib, markii ay dhaqan gashay xabbad joojinta.

Warar aan la xaqiijin ayaa sidoo kale sheegaya in dagaalyahannada gooni u goosadka ah, ay dhowr askari oo ka tirsan ciidammada Ukraine gaadmo ku dileen xabbad joojinta kaddib.

Hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay jamhuuriyada shacabka Donetsk,

Aleksandr Zakharchenko, ayaa sheegay in xabbad joojinta aanu si buuxda loo ilaalin, oo xoogagga mucaaradka ay duqeymo kaga yimaadeen ciidammada dowladda, duqeymahaasi oo uu sheegay in lagu bartilmaameedsaday magaalada Amvrosiyivka ee u dhow Donetsk.

Sidoo kale, hay’adda laanqeyrta cas ayaa sheegtay in gawaari ay leedahay oo siday gar gaar, ay gali waayeen magaalada Luhansk madaafiic dhacaysay awgeed.

Lama oga in duqeymahan la sheegay in ka dhigan tahay in ay si buuxda u burburtay xabbad joojintii ay Jimcihii gaareen dowladda iyo mucaaradka ku dagaallamaya Bariga Ukraine.