Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dr Amina oo ka warantay maydkii rayadka

Tirada dadkii ku dhintay qaraxyadii shalay Isniintii ka dhacay duleedka Muqdisho, ayaa kor u dhaaftay labaatan qof oo ilmo yar ay ku ku jireen. Waxaa kale oo ku dhaawacmay 35 qof oo qaar ay liitaan.

Madaxa isbitalka Madiina Duniya Cali Maxamed, oo maanta sheegtay in isbitaalku uu u gar gaaray dhaawicii loo geeyey, laalkiin nasiib darro xalay saqdii dhexe ayaa gabari ugu dhimatay isbitaalka dhaawicii.

Deegaanka Xaawo Abdi ee wadada u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye waxaa maanta lagu aasay 7 qof maydadkood oo ka mid ahaa dadkii ku dhintay qaraxyadii shalay.

Kooxdii u gurmatay dadkii wax ku noqday qaraxyadii shalay oo goobtii tagay waxaa ka mid aheyd Dr Amina Adan Mohamed, oo ka mid ah dhakhaatiirta isbitaalka Hawa Abdi, oo aan ka fogeyn meeshii qaraxyadu ay ka dheceen.

Wariyaha BBC Mohamed Ibraahim Moallimu ayey uga warantay, maydadkii ay aaseen..