John Kerry oo ku sugan Ciraaq

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption John Kerry

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry ayaa gaaray dalka Ciraaq, halkaas oo uu kula kulmi doono xubnaha dowladda cusub ee dalka Ciraaq

Waxa ay qeyb ka tahay booqasha uu ku maraya gobalka Bariga Dhaxe oo uu taagero ugu raadinaya la dagaalanka mintidiinta Dowladda Islaamiga oo gacanta ku hayo dhulal ka tirsan waddamada Ciraaq iyo Siiriya.

Mareykanka waxa uu doonayaa in dowladda cusub ee Ciraaq ay si dhaqse leh wax uga qabato cabashooyinka ay qabaan sunniyiinta iyo Kurdishka Ciraaq, si ay meel uga soo wada jeestaan Dowladda Islaamiga.

Dhinaca kale, Madaxweyne Obama ayaa lagu wadaa in galinka dambe ee maanta in uu ku dhawaaqo istaraatiijiyad ku aadan sidii kooxdaasi loo jabin lahaa.

Kol sii horreeysay ayuu Obama hoggaamiyaasha Congress-ka u sheegay in uu leehay awood uu tillaabo milatari oo ballaaran kaga qaado kooxda Daacish.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan