Mucaaradka Somaliland oo hanjabay

Image caption Somaliland ayaa la filayaa in sanadka soo socda ay ka dhacdo doorasho

Labada Xisbi ee mucaaridka ah ee Waddani iyo UCID ayaa ku dhawaaqay inay go’aansadeen in si midaysan ay u qaaddacaan diiwaangelinta madaniga ah ee todobaadkan maamulka Somaliland shaaciyay inay ka bilaabaneyso dhammaan deegaanada Somaliland.

Warsaxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen labadaasi xisbi ee mucaaridka ah ayaa waxay tilmaameen diiwaangelinta madaniga ah inay tahay kaar uu maamulka dhexe dhexe ku carqaladeynayo waqtiga diiwaangelinta codbixiyaasha doorashada, si muddo kordhin loogu sameeyo maamulka.

Waxay sheegeen inaanay jirin cid daneyneysa caqabadda ay ku tahay geedi socodka dimuqraadiyada iyo aqoonsiga ay raadineyso Somaliland.

Warsaxaafadeedka labada Xisbi ee mucaaridka ah ee wadani iyo UCID waxaa kaloo lagu sheegay in aanay jiri doonin muddo kordhin haddii ay dhici waayaan doorashooyinka madaxtooyada iyo baarllamaanku bisha june 2015.

Waxayna ku hanjabeen inay dhisi doonaan dowlad ku meel gaar ah oo ay u dhan yihiin axsaabta mucaaradka, taas oo qabata doorashooyiinka.

Labada xisbi waxay kaloo ku eedeeyeen xukuumada inay burisay heshiisyadii ay saxiixday iyo ballamihii ay gashay ee la xiriiray arimaha doorashooyinka iyo diiwaangelinta codbixiyaasha.

Dhinaca kalen, wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Cabdillaahi maxamed Daahir Cukuse oo jawaab ka bixiyay go’aanka Labada Xisbi ee mucaaridku ku qaadaceen diiwaangelinta madaniga ah ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin eedaha ay xisbiyada UCID iyo wadani ay soo jeediyeen.

Wuxuuna intaa ku daray in qorshihii diiwaangelinta madaniga ahi sidiisii u soconaya.

Wasiirku wuxuu sheegay inay xukuumadu diyaarisay kharashkii dhinaceeda ee doorashada iyo shuruucdii oo haatan horyaalla baarllamaanka.

Soomaaliland ayaa dooneysa inay u jarto dadka halkaasi ku nool kaarar aqoonsi, ayna ku codeyn karaan.