Shir looga hadlayo Daacish

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Shirka caalamiga ee Faransiiska ee looga hadlayo Daacish.

Madaxweynaha Faransiiska, Francois Hollande, ayaa ku tilmaamay Daacish inay qatar ku yihiin caalamka, waxayna sheegeen in la dagaalankooda uu ahaado mid caalami ah.

Wuxuu furayay shir caalami ah oo ay ka soo qayb galeen sodon iyo shan wasiiro arrimo dibad oo rajaynaya inay ku heshiiyaan istaraatijiyad looga hortagayo Daacish.

Horaantii, dowladda Faransiiska ayaa sheegtay in diyaaradaheeda dagaalka ay bilaabeen duulimaad xog aruurin ah, si ay u taageeraan diyaaradaha Maraykanka ee weeraraya Daacish.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, John Kerry ayaa kula kulmaya wasiirada arrimaha dibadda shirka si si wadajir ah loola dagaalami lahaa Daacish.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan