Safiirka Shiinaha Iceland oo la la'yahay

Xagee ka baxay safiirka Shiinaha ee Iceland?

Waxay aheyd inuu ku soo laabto shaqadiisa magaalada Reykjavik oo ah xarunta Iceland bishii March balse ma uusan soo laaban.

Shiinaha ayaa Iceland u sheegay in safiirka uusan soo laabaneynin sababo la xiriira arrimo shaqsiyadeed balse wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa wariyayaasha u sheegtay inaysan wax war ah ka hayn Ma Jisheng inkastoo magaciisa laga tirtiray barta internetka ee safaaradda.

Qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegaya in safiirka loo xiray sir uu u gudbiyay Japan.

Safiirka la la'yahay ayaa horay ugu shaqeeyay safaaradda Shiinaha ee Tokyo balse warbixin sax ah oon lahayn ayaa adkeyneysa in la xaqiijiyo sax ahaanshaha wararka laysla dhexmarayo.

Wargeyska Global Times ee Shiinaha ka soo baxa ayaa raadinaya in la cadeeyo halka uu ku dambeeyay safiirka iyo xaaskiisa oo iyadana la la'yahay.