Saraakiil Somaliland oo geeriyooday

Laba sarkaal oo ka mid ahaa ciidanka Somaliland ayaa geeriyooday kadib markii askari ka tirsan ciidanku uu toogtay.

Sarkaal ka tirsan ciidanka milleteriga Somaliland ayaa sheegay maanta in laba sarkaal oo ka mid ahaa ciidanka Somaliland ee deegaanka Quri-lugud ee gobolka Togdheer ay geeriyoodeen , kadib markii askari ka tirsan ciidanku uu toogtay shalay maqribkii .

Labadaa sarkaal ee geeriyooday oo kala ahaa abaanduulihii iyo taliyihii hawlgelinta ee guutada 17aad ee ciidanka , waxaa afhayeenka u hadlay milleterigu uu sheegayaa in la baadhayo sababta dilkaasi . faah-faahin kale lagama bixin dilkaasi .