Afghanistan oo lagu heshiiyay dowlad

Image caption Heshiiska ayaa waxaa dhexdhexaadiyay Maraykanka kadib markii lagu murmay natiijada.

Kadib markii bilooyin ay ku muran-sanaayeen natiijada ayaa labada nin ee ku tartamay madaxweynenimada Afghanistan ay saxiixeen heshiis ay awooda ku qaybsanayaan oo lagu samaynayo dowlad isbahaysi ah.

Heshiiska oo yimid saddex bilood kadib markii la qabtay wareegii labaad ee doorashada madaxweynenimada, Ashraf Ghani, oo ka soo jeeda koonfurta iyo bariga Pashtun ayaa noqonaya madadaxweyne, halka Abdullah Abdullah oo laga taageero waqooyiga dadka ku hadla afka Persia uu noqon doono Ra'iisalwasaare.

Heshiiskan oo uu dhexdhexaadiyay Maraykanka ayaa la saxiixay intii aan la sheegin natiijada tirinta doorashada oo mar labaad lagu celiyay.

Wariyaha BBC ee gobolka ayaa sheegaya in waddanka uu nafisay hadda oo la gaaray heshiis.