66 kun oo ka taalabay xuduuda Turkiga

Lahaanshaha sawirka AP

Qaxooti kurdiyiin ah oo gaaraya 66,000 ayaa u talaabay dhinca dalka Turkiga tan iyo jimcihii, markaas oo ay dowladda Turkiga u furtay xuduudeeda qaxootigaasi.

Waxay ka baxsanayaan dagaalyahanada dowladda Islaamiga kuwaas oo ku wajahan waqooyiga Dalka Suuriya.

Hay’adda Qamarada midoobe ugu qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in ay sara u qaadeyso gargaarka, waxayna ka cabsi qabtaa in boqolaal kun oo kale ay ka soo talaabaan xadka.

Kooxda dowladda Islaamiga ayaa waxay gacanta ku haysaa degaano kamid ah Suuriya iyo Ciraaq

Turkiga oo xuduud la wadaaga Suuriya ayaa waxa uu hoyi siiyey in ka badan 840 kun oo qaxooti reer Suuriya ah,

Balse furitaanka xuduuda ayaa waxay sara u qaaday tirada qaxootiga reer Suuriya ee soo gudbaya.