Australia iyo sharciga argagixisada

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Boliiska Austarlia ayaa xiray dad badan iyagoo ka hortagay fal argagixiso.

Ra'iisalwasaaraha Australia, Tony Abbot, waxaa uu sheegay in hindise cusub oo la soo jeediyay in lagula dagaallamo aragixisada uu dambiile ka dhigayo dadka reer Australia ee ka barbar dagaalla kooxaha argagixisada.

Waxaa uu sheegay in qofkii reer Australia ah ee sidaa sameeya uu muteysan doono xabsi dheer marka uu dalka ku soo laabto.

Sharciga la soo jeediyay ayaa sidoo kale u kordhin doona awoodda lagu ilaalinayo, ama lagu xirayo dadka laga shakisan yahay iyo in laga dhigo danbi in dadka reer Australia inay aadaan meelaha dowladda Australia ay sheegtay inaan la tagin.