Muwaadin Fransiis ah oo la afduubay

Mid ka mid ah diyaaradaha fransiiska ee hawlgalka ka wada Ciraaq Lahaanshaha sawirka AFP

Muqaal Viidiyow ah ayaa waxaa ka muuqda la haystaha oo ay labada dhinac ka taagan yihiin laba nin oo wajiga soo dabooshay.

Lahaystaha ayaa waxa uu sheegayaa in uu yahay nin u dhashay Faransiiiska kana tirsanaa dadka haga dalxiisayaasha booqda buuraha.

Waxa la afduubtay maalintii Axadda.

Waxa uu sheegayaa in dadka afduubay ay ka dalbanayaan xukuumadda Faransiiska in aanay faragelin dalka Ciraaq.

Xukuumadda Faransiiska ayaa waxa ay xaqiijisay in ay la shaqenayso xoogagga ammaanka ee dalka Aljeeriya si ay u soo furato lahaystaha.

Kooxda Dowladda Islaamiga ayaa kal hore ku amartay taageerayaasheeda in ay bartilmaamaydsadaan muwadiniinta Faransiiska, wax ka yar todobaad markii Faransiiska uu bilaabay duqeyn cirka ah oo uu ku bartilmaamaydsanayay kooxda dalka Ciraaq.

Wararka laga ay tabinayaan warbaahinta Faransiiska ayaa tilmaamaya in dadka afduubtay ninkani ay dowladda Faransiiska u qabteen muddo 24 saacadood ah in ay ku joojiso tallaabada milateri ee ay qaaday.