Shiinaha oo xiray aqoon yahay Uighur ah

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption xabsiga nin kaas layaab ayuu noqday

Maxkamad ku taala Shiinaha ayaa xabsi daa'in ku xukuntay aqoonyahan caan ah oo ka soo jeeda qawmiyadda Wuuqiir ee laga tirada badan yahay, kaddib markii lagu helay dambi ah in uu dhiirigaliyey kala guitaan

Maxkamada ayaa sidoo kale amartay la wareegida dhamaan hantidiisa.

Ilham Tohti, waxa uu caan ku ahaa ka hadlitaanka siyaadahaha lagu dhaliilo dowladda ee gobalka ay dhibaatada ka taagan tahay ee waqooyi galbeed Xinjiang, waxa uu sidoo kale xubin ka ahaa xisbiga hanti wadaaga ah wuxuuna u ololeeyey in deegaanka Uighur oo u badan Muslimiin ay dhistaan buundooyin.

Waxa uu ka dhex qaylyay maxkamadda isaga oo ka mudaaharaadaya xukunkiisa, intii aysan ilaaladu kaxeynin.

Midowga Yurub iyo kooxaha xuquuqda aadanaha u dooda ee caalamiga ah ayaa sheegay in xabsi daa'inka lagu xukumay ninkaasi uu gabi ahaanba yahay mid aan qiil laheyn oo aan laga filanaynin in ay ku dhacdo qof sidaas oo kale caan u ah oo qunyar socod ah.