Boko Xaraam isu soo dhiibtay Nigeria

Image caption Hogaamiyaha kooxda Boko Xaraam Abuubakar Shekau iyo xubno kale

Milateriga dalka Nigeria ayaa sheegay in 135 xubnood oo ka tirsan kooxda Boko Xaraam, ay maalintii Talaadada ahayd ay iyaga iyo hubkooda isku soo dhiibeen magaalada Biu, ee gobolka Borno.

Waxaa kale oo uu milaterigu sheegay in 133 xubnood oo kale oo ka tirsan kooxda su'aalo la waydiiyay oo la soo gudbiyay kaddib markii ay iska soo dhiibeen laba deegaan oo ku yaal waqooyi bari Nigeria.

Intii uu socday dagaalka lagula jiro kooxda Boko Xaraam, weli arrintan oo kale ma aanay dhicin, inkastoo ay adag tahay in la xaqiijiyo, ayaa haddana milaterigu waxa uu u arkaa inay tahay tubtii isbadalka.

Afhayeen u hadlay milateriga ayaa sidoo kale sheegay, in kaddib dagaal culus ay dileen ninkii soo saari jiray muuqaalada dacaayadda ah ee kooxda Boko Xaraam, isagoo sheeganaya inuu yahay hogaamiyaha kooxda, ee Abuubakar Shekau.

Lahaanshaha sawirka AFP PHOTO BOKO HARAM
Image caption Hogaamiyaha kooxda Boko Xaraam Abuubakar Shekau

Afhayeenka ayaa sheegay in Abuubakar Shekau-gii rasmiga ahaa uu dhintay xilli hore, iyadoo ninka ka soo baxayay muuqaalada uu iska dhigaayay ninkaas balse magaciisa rasmiga ah uu yahay Maxamed Bashiir.

Inkastoo ay weli awood u leeyihiin inay dhibaato gaystaan, ayaa haddana bishan waxa ay Boko Xaraam u ahayd bil aan wanaagsanayn.

Kooxda ayaa waxaa uu khasaare culus uu ka soo gaaray isku dayadii ay ku qabsan rabeen magaalada Konduga, ee u dhaw magaalada Maiduguri, ee ah magaalada ugu weyn waqooyi bari Nigeria.

Arrintan ayaa qaar ka mid ah dadka Nigeria waxa ay galisay rajo ah in milaterigu uu ka adkaan karo dagaalyahanada jihaadiga ah.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan