UN: Waa in la joojiyaa ku biirida Daacish

Lahaanshaha sawirka Reuters

Golaha Ammaanka ee Qaramad Midoobay ayaa isku raacay qaraar qasab ka dhigaya in wadammada caalamka ay ka hor istaagaan muwaadiniintooda in ay ku biiraan kooxda Daacish.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, oo gudoominayay kullanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa waxa uu sheegay in ay qasab tahay in wadammada caalamka ay joojiyaan ku biirida iyo maalgelinta kooxaha jihaad doonka ah.

Obama waxa uu ku baaqay in la helo dadaal caalami ah si loo kala furfuro buu yiri waxa uu ugu yeeray "shabakadda dhimashada".

Maalintii labaad ayaa waddammo Carab ah iyo Mareykanku waxay Suuriya ka wadaan duqeyn ay la beegsanayaan kooxda Daacish.

Dhinaca kale Ra'iisul wasaaraha Britain David Cameron, ayaa waxa uu sheegay in Britain ay ka qeyb qaadan doonto duqeynta ka socota dalka Ciraaq.

Waxa uu sheegay in maalinta Jimacaha ah uu isugu yeeri doono xubnaha barlamaanka Britain si ay cod ugu qaadaan in Britain ay ku biirto hawlgallada Ciraaq.

La ma filayo in barlamaanka Britain uu isla soo qaado arrinta Suuriya sababtoo ah, barlamaanka ayaa horay u diiday in Britain ay Mareykanka ku taageerto tallaabo milateri oo markaa la qorsheynayey, bartamihii sanadkii tagay.

Hoggaamiyaasha dunida ayaa ka qeyb qaadanaya kulanka shirweynaha Qaramada Midoobay ee ka furmay magaalada New York.