Kenya oo Madariso xirtay

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption sawir Qur'aanka Kariimka ah

Saraakiisha Kenya ayaa xidhay Madariso, waxaana loo xiray in ay ardada baraysay fikrado xagjirnimo ah.

Madarisadaasi oo kutaalaa Majakos ayaa 65km bari ka xigta magaalada Nairobi, waxaana la bar-tilmaameedsaday kadib markii la xirxiray dhalinyaro looga shakiyay in ay ku biirayeen ururka al-shabaab.

Waa markii u horaysay ee Madariso looxiro arrin xagjirnimo la xiriirta

Sarkaal booliis ah ayaa sheegay in madarisooyin kalana ay ku xigi doonaan.

Afhayeenka wasaaradda arimaha gudaha Mwenda Njoka ayaa BBC u sheegay in go'aan lagu gaaray in la xiro madarisadaasi oo lagu magacaabo xarunta Daarul-Irshaad oo la furay sanadkii 1997

Uururka al-shabaab ayaa kenya ka fuliyay weeraro halis ah, iyaga oo sheegay in ay kaga aar gudanayaan joogitaanka ay ciidammada Kenya Joogaan Soomaaliya.