Jabhadda Al-Nusra oo hanjabtay

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Kooxda Daacish ayaa haysata dhul aad u baalaaran ee dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Afhayeen u hadlay Jabhadda Al-Nusra oo ka soo muuqday muuqaal internetka la soo galiyay ayaa sheegay waddamada ka qaybqaatay hawlgalada millitari ee kadhan ka ah Khilaafada Islaamka in ay gaysteen fal xun.

Waxa uu intaas ku daray in hadda ay ku iraan liiska kuwa ay bartilmaameedsanayaan mujaahidiintu adduunka meeshay doonaanba hakaga yaalaane.

Waddamada Carbeed ee kamid noqday gaashaanbuurta ay Maraykanku hogaaminayaana waxa ay ku tilmaameen Gaalo. Waxay sheegeen in ay arrintaasi saamayn ku yeelan doonto.

Hanjabaadaasi waxa ay timid iyada oo Turkigu ay ka baaraan dagayaan in ay ku biiraan weerarada millitari ee caalamiga ah ee lagu qaadayo Daacish.

Wararku waxa ay sheegayaan in Baarlaamaanka Turkigu uu arrintaas u codayn doono maalmaha soo socda.

Maraykanka waxa uu sheegay in weeraradii u dambeeyay ay ku bartilmaameedsadeen bartilmaameeyo ay Daacish ku leeyihiin waqooyiga Ciraaq, magaalada go'doonsan ee Kobane oo u dhaw xadka Turkiga, iyo magaalada ay ku xoog badan yihiin ee Raqqa.

Waddanka Ciraaqna Koonfurta Erbil, gawaadhi hubaysan oo ay Malayshiyadu wadatay ayaa lagu burburiyay.

Labo diyaradood ay leeyihiin Britishka ayaa ku biiray hawlgalkaas, wasaaradda difaacuna waxa ay sheegtay in aysan helin goobihii ay ku qaadi lahaayeen weerarkooda u horeeya.