Reer Muqdisho "amman" ayay dareemayaan

Xeebta Liido Lahaanshaha sawirka bbc
Image caption Reer Muqdisho oo ku sugan xeebta Liido, ee Muqdisho

Dadka ku nool Muqdisho ayaa dareemaya ammaan iyo nabadgelyo isla markaasna ay rajadoodu ka wanaagsantahay sanadkii hore, siday sheegtay cilmi baaris la samaysay.

Hay'adaasi oo la yiraahdo Heritage Institute of Policy Studies ayaa waxay daraasad ku sameysay maclumaad laga soo ururriyey 1,500 oo qof oo ku nool Muqdisho.

Dadka la wareystay ayaa sheegay inay hoos u dhaceen dagaallo beeleedkii, iyo noocyadii kale ee dagaallada.

Hasayeshe waxa ay walaac ka muujinayaan weerarada ay gaysanayso kooxda Al-Shabaab, muranka ku saabsan dhulka iyo in aanay aaminsanayn garsoorka iyo hay'adaha ammaanka.