Dumar ka "macaasho" farsamada gacanta Hargeysa

Hargeysa
Image caption Howlaha farshaxanka ayaa ku soo badanaya magaalada Haregeysa

Magaalada Hargeysa waxaa ku soo kordhaya dadka birta tuma ee farsamada gacanta ka sameeya alaabooyinka guryaha loo isticmaalo .

suuqyada Hargeysa ayaad ku arkeysaa rag dhallinyaro ah oo birta tumaya oo kadibna ka samaynaya girgirayaasha cuntada lagu karsado, dugsiyada, sanaadiiqda , mooyaha , iyo midxinka lagu ridqo waxyaabaha la cuno .

Suuqa oo aan tegay ayaa dadka birta tuma qaarkood ii sheegeen in hadda suuqoodu uu wanaagsanyahay oo laga iibsado alaabooyinka ay dalka ku sameeyaan .

Dadka birta tuma waxay jumlad ahaan uga sii iibiyaan markay farsameeyaan alaabooyinkaasi dumar iyaguna suuqyada la fadhiisto oo ka sii daya macaash .

Haweeney ka mid ah dumarkaasi ayaa ii sheegtay inay aad ugu faraxsan yihiin alaabooyinka birta laga sameeyo oo marka ay ka sii iibiyaan dadweynaha ay ka helaan quutul-daruurigooda .

Waxaa xusid mudan oo ay ii sheegeen dadkaasi birta tumaa in meesha ay ka baxeen haamihii laga samayn jiray jiingada birta ah ee biyaha reer miyigu ku dhaansanjireen oo caafimaad ahaan u wanaagsaanaa.

Waxa kale oo ay ii sheegeen in haamahaasi hore lagu beddelay caagado biyaha lagu dhaansado oo caafimaadku aan u fiicneyn .

Birta ayaa waxay ka iibsadaan bir tumayaashu ganacsatada dibedda ka keenta, laakiinse waxay ka cabanayaan biraha daadsan dalka oo ay dib u tumi jireen oo hadda inta la ururiyo loo iib geeyo Itoobiya.