Dibadbaxayaasha oo laga dalbay in ay kala tagaan

Lahaanshaha sawirka Reuters

Dowladda Hongkong, ayaa ugu baaqday kooxaha demoqraadiyadda taageera in ay si nabadgalyo ah u kala tagaan.

Wuxuu baaqan ku soo beegmay iyadoo ay soo baxayaan astaamo muujinaya xiisado sii kordhaya kadib shan maalmood oo dibadbaxyo ballaaran ay ka socdeen magaalada oo dhan.

Hogaamiyayaasha ardayda, ayaa ku hanjabay in ay galayaan dhismayaasha dowladda hadii ilaa caawa saqda dhexe uu is casili waayo Madaxa xukuumadda CY Leung.

Booliiska ayaa sheegay in aysan u dulqaadan doonin tallaabo kasta oo sharci darro ah oo lagula kaco xafiisyada dowladda.

Dowladda ayaa sheegtay in kumanaan shaqaalaha dowladda ah ay isku dayayaan in ay shaqada ku laabtaan Jimcaha, iyadoo dadku wali xafiisyada hor tuban yihiin.

Shiinaha ayaa horay ugu yaboohay Mr Laung iyo booliiska Hong Kong taageeradiisa oo dhamaystiran.