Falastiin oo ku biireysa ICC

Image caption Maxadweynaha Falastiin, oo UN ka u sheegay in Israa'iil ay dhib ka geysatay Qaza.

Safiirka Falastiin u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa sheegaya in dowladdiisa ay ku biiri doonta maxkamadda dembiyada caalamiga ah, haddii galaha ammaanka aysan waqti u qaban Israa’iil.

Riyad Mansur ayaa sheegaya in dadka Falstiin ay doonayaan in xilli cad loo qabto Israa’iil, oo la sheegay waqtiga ugu dambeeya ay ka bexeyso dhulka reer Falastiin.

Isbuucii la soo dhaafay, dowladda Mareykanka ayaa cambaareysay madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamud Cabbas, oo Israa’iil ku eedeeyay inay dembi dagaal ka geysatay Qaza.