Cudurka Ebola oo Spain gaaray

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Haweeney kal-kaaliso caafimaad ah oo uu Ebola ku soo ritay Spain

Haweeney kal-kaaliso caafimaad ka ah dalka Spain, ayaa noqday qofkii ugu horreeyay ee uu ku dhaco cudurka dilaaga ah ee Ebola meel ka baxsan Galbeedka Afrika.

Kal-kaalisadaasi oo Spain u dhalatay, ayaa qeyb ka ahayd howl wadeenno caafimaad ooo dhabiibay laba qof oo Spanish ah oo markii dambe u dhimatay cudurkaasi Ebola, labadaas qof oo laga soo duuliyay Galbeedka Afrika.

Ku dhowaad 30 qof oo xiriir la sameeyay haweeneyd cudurka uu soo ritay ayaa xaalladooda lala socdaa.

Dhanka kale, siyaasi ka tirsan mucaaradka dalka Sierra Leone, ayaa ku eedeeyay dowladda in ay xayirtay shixnad si aad ah loogu baahan yahay la tacaalidda cudurka Ebola.

Wasaaradda caafimaadka ee Sierra Leone ayaa beenisay eedeyntaasi, waxa ayna intaasi ku dartay in lacago la bixiyay si loo soo fasaxo shixnaddaasi.