ATM-kii ugu horreeyay oo laga furay Muqdisho

Mogadishu ATM
Image caption Bangiga Saalam ayaa furay mashintii ugu horreysay ee lacag caddaan ah lagala bixi karo

Dadka ku nool caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa bilaabay inay isticmaalaan mashiinta lacagta lagala baxo ee loo yaqaan ATM.

Mashiintan ayaa ah tii ugu horreysay ee laga isticmaalo caasimadda, waxaana lagu dhex rakibay meel hoteel ah.

Qalabkan oo ay leedahay Bangiga Salaam, ayaa macaamiisha u oggolaanayo inay la baxaan lacag caddaan ah oo Doolar-ka Mareykanka ah.

Wariyaha BBC ee magaalada Muqdisho Maxamed Ibrahim Mucalimuu ayaa sheegaya in qaar ka mid ah dadka ay ku wareereen sida uu mashiinkaasi u shaqeynayo, maadaama aanay weligood horay u isticmaalin.