Siilaanyo oo la kulmay saraakiil British ah

Siilaanyo Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Madaxwaynaha Somaliland, Axmed Maxamed M. Siilaanyo

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wasiiro ka tirsan xukuumadiisa ayaa saraakiil iyo dibloomasiyiin ka tirsan dalka Britain kula kulmay dusha Markabka dagaalka ee CARDIGAN BAY, sida uu BBC-da u xaqiijiyay taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha somaliland Admiral guuto / Axmed Aw-Cismaan.

Markabka Cardigan Bay, ayaa howlwadeenadiisa tababar muddo laba todobaad ah u fidiyeen ciidanka Badda Somaliland, oo ku saabsanaa fanka badda iyo naakhuudanimada doonyaha dagaalka, waxaana uu ka dhacayay xeebaha Berbera.

Waa markii saddexaad ee markab dagaal oo Britain leedahay uu yimaado Berbera afartii sano ee ugu dambeeyay.