Dagaal ka socda magaalada Kobane ee Suuriya

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ciidamada Turkiga oo wata gaadiid dagaal ayaa ku sugan xadka labada waddan balse wax tallaabo ah ma aysan qaadin.

Dagaal ayaa ka socda waddooyinka Magaalada Kurdiyiinta ee dalka Suuriya ee Kobane, xilli dagaalyahanada kooxda khilaafada islaamiga ay gudaha u galeen magaaladaasi kaddib saddex usbuuc oo ay ku hareereysnaayeen magaaladaasi.

Asya Cabdullahi oo ka tirsan saraakiisha Kurdiyiinta oo ku sugan gudaha magaalada ayaa BBC-da u sheegtay in dagaal uu ka socdo saddex degmo oo magaaladaasi ka tirsan kaddib markii ay kooxdaasi calankooda ka taageen bariga magaalada.

Waxa ay ku eedeysay kooxda khilaafada islaamiga in ay adeegsanayaan hub aad u culus, waxa ayna ka digtay in halkaasi uu xasuuq ka dhici karo haddii xoogagga uu mareykanka hor kacayo aysan duqeymo halkaasi ka geysan.

Gawaarida gurmadka iyo kuwo kale oo xamuul ah ayaa la arkayay iyaga oo u daabulaya boqolaal qof oo rayid ah iyo dagaalyahanno dhaawac ah meel ka baxsan magaalada oo dhanka xudduudda Turkiga ah.