Masar oo xabsi ku xukuntay weriye

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Seddax weriye ayey Masar horey xabsi ugu xukuntay.

Maxkamad ku taalla dalka Masar ayaa asigoo maqan xukuntahay weriye u shaqeeya Al-jazeera oo lagu magacaabo, Ahmad Mansuur.

Maxkamadda ayaa weriyaha ku xukuntay 15 sano oo xabsi ah, waxaana lagu eedeeyay inuu qof jirdilay.

Mr Mansuur iyo laba hogaamiye oo ka tirsa Ikhwaanul Muslimiin, ayaa maxkamaddu sheegtay in lagu helay dembi ah inay fagaaraha Taxrii ku jirdileen qareen, intii ay socdeen dibad baxyadii ka dhan ka ahaa madaxweynhihii hore ee Xusni Mubaarak ee 2011-kii.

Maamulka dalka Masar ayaa Al-jazeera ku eedeeyay inay taageeraan Muslimiinta Walaaloobay.

Bishii June ee sanadkan, seddax weriye oo u shaqeeya Al-jazeera oo uu ka mid yahay weriye horey ugu shaqeyn jirey BBC ee lagu magacaabo Peter Greste, ayaa lagu xukumay inta u dhexeysa todobo illaa toban sano oo xabsi ah.