Bangi caalami ah oo Somaliya laga furay

Image caption Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xariga ka jaray bangiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xariga ka jaray Bangi cusub oo ganacsi oo lagu magcaabo baanka caalamiga ah ee Soomaaliya (International Bank of Somalia IBS).

Baankan cusub waxa saamiley ku ah ganacsato Soomaaliyeed, waana baankii ugu horeeyay ee xiriir toosa la leh baananka kale ee caalamka isagoo leh waxa afka shisheeye lagu yiraahdo “swift code”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa sheegay in furitaanka bangigan ay qeyb ka tahay “hormarada dowladda ay sameyneyso”.

Image caption Madaxweynaha oo ka hadlay furidda bankan
Image caption Dad Somali ganacsato ah ayaa saami ku leh bangigan
Image caption Xarunta bankan ayaa ku taalla magaalada Muqdisho